Baarlamaanka ee bulshada

Baarlamaanka, dowladda, maamulka iyo degmooyinka ayaa tusaale u ah jilayaasha guud ee bulshadeena. Iswiidhan waxaa ka jira hay'ado dowladeed oo badan iyo waaxyo dowladeed oo kale.

Baarlamaanka

Baarlamaanka waa golaha ugu sareeya ee go'aan ka gaarida Iswiidhan. Howlaha baarlamaanka waxaa ka mid ah go'aaminta sharciyada iyo miisaaniyadda dowladda. Baarlamaanka ayaa sidoo kale maamula sida dowladdu u maamusho shaqadeeda. Go'aannada uu gaaro baarlamaanka ayaa khuseeya Iswiidhan oo dhan.

Dowladda

Marka codbixiyayaashu ay doortaan 349 xildhibaan oo baarlamaanka ku fariisan doona, baarlamaanka ayaa soo magacaabaya ra'iisul wasaare. Ra’iisul Wasaaraha ayaa markaas dooranaya wasiirada ka mid noqon doona xukuumadda. Dowladda waa in la taageero ama ugu yaraan barlamaanku u dulqaataa, haddii kale waxaa dhici karta in lagu qasbo in ay is casisho.

Dawladdu waxay dalka ku maamushaa, oo ay ka mid tahay inay soo bandhigto hindise ay tahay in baarlamaanka go'aan ka gaadho. Dowladda ayaa sidoo kale mas'uul ka ah fulinta go'aannada baarlamaanka.

Hay’addaha dowladda

Hay’addaha dowladda waa inay xaqiijiyaan in go’aannada baarlamaanka iyo xukuumadda la fuliyo. Hay’addaha dowladda ayaa hoos yimaada xukuumada.

Degmooyinka

Iswiidhan waxeey lee dahay 290 degmo. Degmo walba waxaa ku yaal gole degmo. Halkaa siyaasiyiinta degmadu waxay ku gaadhaan go'aamo khuseeya degmadaas gaarka ah.

Gobollada

Iswiidhan waxa ka jira 21 gobol. Shaqadooda ugu muhiimsan waa inay daryeelaan daryeelka caafimaadka iyo gaadiidka dadweynaha. Golaha gobolka, go'aannada siyaasadeed ee gobolka ayaa laga soo saaraa.

Maxkamadaha

Hawsha maxkamaduhu waa inay xukumaan dembiilayaasha iyo xallinta khilaafaadka u dhexeeya muwaadiniinta ama khilaafaadka u dhexeeya muwaadiniinta iyo hay’addaha dowladda. Qof walba waa in loo tixgeliyo in loo siman yahay sharciga hortiisa.

EU

Iswiidhan waa xubin ka tirsan Midowga Yurub, EU. Sharciyada EU-da ay go'aamiyaan waxay saameeyaan dhammaan dadka ku nool Iswiidhan.

Warbaahinta

Saxaafaddu waxay ku lug leedahay oo saameyn ku yeelataa bulshada. Tusaale ahaan, warbaahintu waxay dabagal ku samaysaa baarlamaanka, dawladda, maamulada iyo ururada.