Doorashooyin dheeraad ah

Doorasho dheeri ah oo lagu galo baarlamaanka waa doorasho la qaban karo inta u dhexeysa doorashada caadiga ah, iyadoo lagu jiro xilliga doorashada. Doorashooyinka dheeraadka ah ayaa inta badan loo qabtaa sida doorashooyinka caadiga ah, marka laga reebo in wakhtiga diyaargarowga uu gaaban yahay.

Xukuumad fadhida waxay go'aan ka gaari kartaa doorashooyin dheeraad ah oo u dhexeeya doorashooyinka caadiga ah. Markaa waa dawladda cidda dooranaysa maalinta doorashada. Doorashada waa in lagu qabtaa saddex bilood gudahooda go'aanka ka dib.

Haddii aqlabiyadda baarlamaanka aysan kalsooni ku qabin ra'iisul wasaaraha ama wasiir kale, waxay soo jeedin karaan wax loogu yeero mooshin ka dhan ah wasiirka. Haddii baarlamaanka uu soo jeediyo mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha, waa in Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda ay is casilaan ama ay go’aan ka gaaraan doorasho dheeraad ah.

Haddii la aqbali waayo soo jeedinta Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Ra’iisul Wasaaraha

Marka ay xukuumadi iscasisho, waa shaqada guddoomiyaha baarlamaanka in uu soo bandhigo soo jeedinta ra'iisul wasaaraha cusub. Haddii Guddoomiyaha Baarlamaanka afar jeer oo isku xigta ku guuldareysto inuu baarlamaanka u soo jeediyo ra'iisul wasaaraha, waa in doorasho dheeraad ah la qabto. Sidaas oo kale doorashada dheeraadka ah waa in lagu qabtaa saddex bilood gudahood.

Ma beddelo doorashooyinkii caadiga ahaa

Doorashooyinka dheeraadka ah ma beddelaan waqtiyada doorashooyinka caadiga ah. Xubnaha baarlamaanka ee lagu soo doorto doorasho gaar ah sidaas darteed ma billaabayaan afar sano oo doorasho oo cusub, laakiin waxay fadhiyaan ilaa doorashada caadiga ah ee xigta.

Doorashooyinka dheeraadka ah waa wax naadir ah Iswiidhan. Ka dib horumarkii dimoqraadiyada horraantii 1920-aadkii, hal doorasho oo dheeri ah ayaa la qabtay. Waxay ahayd doorashadii aqalka labaad ee 1 Juun 1958.